FAAHFAAHIN:- Dagaal saaka ka bilowday Gedo oo weli soconaya

0

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa ka soconaya Degaanka Suriyo oo hoostaga Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa biloowday Waabarigii hore ee Saaka,iyadoo illaa hadda uu soconayo.

Tiro dhaawacyo ah ayaa la geeyay Degmada Buurdhuubo oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka ka soconaya Duleedka Degmada Buurdhuubo ayaan la ogeyn iyadoo Dagaalku uu Saameyn ku yeeshay Dadka Rayidka ah ee halkaas ku nool.