Wasiir ka tirsan dowladda Bolivia oo la dilay

0

Dowladda Bolivia ayaa shaaca ka qaaday in la dilay  Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Gudaha, kadib markii ay afduubteen koox careysan oo macdan qodayaal ahaa.

Kooxdan ayaa shalay oo khamiis ah ka afduubtay Wasiir kuxigeenka wado ay xirteen oo ku taal magaalada Panduro oo koofur ka xigta magaalada La Paz ee Caasimada Bolivia

Rodolfo Illanes iyo nin ilaalo ahaa ayaa la qafaashay, waxaana si xun u jirdilay kooxda macdan qodayaasha.

Booliska ayaa sheegay in sidii loo jirdilay uu u dhintay Wasiir kuxigeenka, waxaana tallaabadan cambaareeyay wasiirka Arrimaha Gudaha Bolivia.

Isku dhacyo u dhaxeeyay Booliska iyo macdan qodayaal careysan, iyadoo booliska ay toogteen labo macdan qodayaal ah.

Macdan qodayaasha Bolivia ayaa ka gadooday sharci cusub oo dowladda soo rogtay, waxaana ay xirteen wado weyn oo ka baxda magaalada Panduro.

Bolivia ayaa ku taal Koofur America, waxayna deris la tahay dalalka Brazil, Argentine iyo Chile.

Wasiir-Bolivia