Guddoomiyaha Degmada Baardheere oo Qarax ku dhaawacmay

0

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku geeriyootay weerar bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Baardheere, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku jireen Guddoomiyihii degmadaas Caddow Nuur Xasan iyo Madaxii Amniga.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya bam gacmeedka lagu weeraray Guddoomiyaha iyo ciidamo la socday oo aheyd xalay fiidkii.

Dad raid ah ayaa la sheegay in dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa bambaano oo ka dhacay suuq ku yaala degmada Baardheere.

Mas’uuliyiinta degmada Baardheere ayaa sheegay in dhaawaca Guddoomiyaha uu yahay mid fudud, isla markaana lagu raad-joogo dadkii ka dambeeyay weerarka.