DHAGEYSO:- Wasiir Ceymooy oo sheegay inuu ku guuleystay inuu Xaliyo colaadii ka taagneyd deegaanka Xawaadleey

0

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo ka mid ahaa Masuuliyiin ay Dowladda u dirtay iney soo Xaliyaan dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay inu ku guuleystay inuu dhameeyo Colaadii labada bee lee halkaasi ku dagaalamay.

Wasiir Ceymooy ayaa sheegay inuu ku guuleystay soo afjarida is fahmi waa soo kala dhex galay Dadka deggaanka gaar ahaan beelo ku dagaalamay deegaanka Xawaadleey oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay xaliyaan dagaalka isla markaana ay kala qaadaan beelihii ku dagaalamay deegaankaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-