DHAGEYSO:- Dad la sheegay in ay dhibaato ku yihiin doorashooyinka Somaliland

0

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlaha doorashooyinka ee deegaanada Somaliland ka dhacayaan.

Waxa uu sheegay in guddiyada loo xilsaaray doorashooyinka ay wadaan howlihii ugu dambeeyay ee doorashooyinka isla markaana ay shacabka deegaanada Somaliland ka qeyb yihiin howlahaasi socda ee doorashooyinka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland lagu amaano sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb galka doorashooyinka Somaliland ka dhacaya.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed aya hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu Koormeeray deegaanada ay ka socoto diiwaan gelinta cod bixinta doorashooyinka Somaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-