DHAGEYSO:- Booliska Dalka Talyaaniga oo xiray Nin Soomaali ah

0

Booliska Dalka Talyaaniga ayaa xiray Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu Qaad qalalan iyo Waxyaabo kale oo Maandooriyaal ah soo geliyo dalkaasi.

Ninkan 28 sano jirka ah ayaa waxaa lag qabtay magaalada Pozzallo oo ka tirsan dalka Talyaaniga xilli uu gacanta kula jiray Waxyaabo Maandooriyaal ah sida ay maanta baahisay warbaahinta dalka Talyaaniga.

Booliska dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ninkan Mandooriyaha uu ka keeni jiray Jasiirada Malta, in badana ay ku daba jireen Ciidamada Booliska, iyadoo baaritaano dhowr oo la sameeyay ay ugu dambeyn suura gashay in gacanta lagu soo dhigo ninkan.

Waxa ay sheegeen ninkan Soomaaliga ah Maandooriyaha Qaadka ah ee lagu qabtay uu gaarayo 36 KGM, iyadoo sidoo kale ay sheegeen in ay ku daba jiraan rag kale oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin ninkan.

“Waxaan qabanay 28 sano jir Soomaali ah kaas Qaadka qalalan iyo Waxyaabo kale oo Maandooriyaal ah soo geliyo Talyaaniga, isagoo ka keeni jiray jasiirada Malta,waxaan horgeyn doonaa sharciga” Afhayeen u hadlay Booliska dalka Talyaaniga ayaa sidaas yiri.

Dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Talyaaniga kuwaas oo inta badan lagu eedeeyo in ay dalkaasi soo geliyaan Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo in mararka qaar ay ku kacaan falal lidi ku ah amniga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-