Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay deegaan ka mid ah gobolka Bakool

0

Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Xoogaga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Xubno ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka waday halkaasi.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Dagaalka uu ahaa mid xoogan, uuna ka dhashay khasaaro kal duwan, inkastoo aan weli la cayimin.

Weli ma jirto wax hadal ah oo ka soo yeeray Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Waadjid ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa waxuu daba socdaa Dagaal culus oo maalmo ka ka dhacay Degaanka Mooro-gaabeey oo hoostaga Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.