DAAWO SAWIRADA:- Shir dib u heshiin oo ka Furmay Magaalada Gaalkacyo

0

Xubno ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Galmudug ayaa ka qeybgalay Kulan dib u heshiisiin loogu sameeynayay Beelo ku diriray,kaasi ka Furmay Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Kulankaasi oo loogu magacdaray heshiinta Galkacyo ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar, isagoo yir “Maanta waxaan idinka codsanayaa in waxa loo fadhiyo aan meesha looga kicin oo la soo af jaro colaad iyo dhib danbe oo aan irada hotelkaan aan lagala dagin”.

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa ka hadlay qaar ka mida nabadoonadii labada dhinac kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweeynayaan in laga heshiiyo wixii horay u dhacay iyagoona ballan qaaday in ay meelmarin doonaan qodabada ka soo baxa shirka oo lagu wado inuu socdo muddo dhowr maalmood ah.

Ugu dambeyntii waxaa madasha furitaan shirka dib u heshiisiineed ka hadlay Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Maxamed Cismaan Socadaal, wuxuuna yiri “Ujeedada halkaan aan isugu nimidna waa islaax baynu naas Dowlladda Galmudug iyo ka Wasaarad dib uheshiinta hadafkeenu wuxuu yahay heshiisiinta shacabkeena si ay nabad ugu noolaadaan oo nabad markeey ku noolaadaana ay horumar u gudbaan shirkuna waa noo furan yahay”.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2

shir3 shir3 (1) shir-640x360