DAAWO SAWIRADA:- Ninkii Waday gaarigii lagu Weeraray Maqaayada Banaadir Beach oo gacanta lagu dhigay isaga oo dhaawac ah

0

Ciidamada Ammaanka ayaa nolosha ku qabtay mid ka mid ah Ragii Xalay Weerarka ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach Magaalada Muqdisho oo u dhaw Xeebta Liido.

Taliyaha Nabadsugidda Gobalka Banaadir Cabdi Fareey ayaa Sheegay in Ciidamada Ammaanka ay qabteen ninkii Kaxeynayay Gaariga Qaraxyada laga soo buuxiyay ee lagu weeraray Maqaayadda Banaadir Beech, kaas oo laga dhex qabtay isagoo dhaawac ah burburka Gaariga ku Qarxay Albaabka hore ee Maqaayadda Banaadir Beach.

Ninka la qabtay oo Hadda dhaawac ah, ayaa ahaa Darawalka gaariga Qarxay, Kaas oo ciidamadu ay Rasaaseeyeen ka hor intii aanu gaarin Maqaayadda ayuu yiri Taliyaha.

“Dhaawac ayaan ku qabanay hadda Cisbitaalka ayaan ku heynaa, waa ninkii gaariga qarxay waday, waan daweyneynaa Su,aalana waan weydiineynaa” ka dibna Cadaalada ayaa marineynaa ayuu yiri Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 la qabtay 2 la qabtay 3 la qabtay 4 la qabtay 5 la qabtay 6 la qabtay 7 la qabtay 8 la qabtay 9 la qabtay