Ciidamada Turkida ee Muqdisho joogta oo Weerarkii Xalay ku lug yeeshay iyo Baaritaano socdo

0

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Weerarkii xalay ka dhacay Maqaaxida Banaadir Beach ay ku lug yeesheen Turkida Kusugan Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka gaarka ah ee Ilaaliya Xarunta Safaarada Turkiga Ee ku dhaw Banaadir Beach ay rasaas xalay la dhaceen dad shacab ahaa oo ka baxsanayey weerarkaasi.

Dadka qaarkood ayaa waxa haleeshay Rasaas qoryaha dhoomirka leh ay Ciidanka Turkidu isticmaalaan kuwaasi oo ka baqdin qabay in dhinacooda loo cararo.

Dhaawacyo ayaa waxa soo gaartay Shacab ka baxsanayey Weerarka xalay lagu Ekeeyey Banaadir Beach waxaana dadkaasi badankood ku dhacday rasaasta ciidanka Turkida soo rideen.

Ilaa hadda ma heyno war kasoo baxay Safaarada Turkiga Ee Muqdisho oo looga jawaabayo Eedeynta Loo Jeediyey Xili ciidankooda la sheegay inay si arxan daro ah rasaas ugu fureen Shacab ka firxaday weerarkii xalay lagu Ekeeyey Banaadir Beach.