Ciidamada Gaashaan ee Dowladda oo soo afjaray Weerarkii tooska ahaa ee ka socday Maqaayada Banaadir Beach

0

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay howlgal Weerarkii tooska ahaa ee Saacadaha badan qaatay ee Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho.

Weerarka o markii hore ku bilowday Qaraxyo lagu dhuftay iridka hore ee Maqaayada Banaadir Beach ka dibna ay Kooxo hubeysan gudaha Maqaayada u galeen ka dibna ay saacado halkaasi kula dagaalamaayeen Ciidamada amaanka.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay gudaha u galeen Maqaayadda, islamarkaana Xaqiijieen Ammaanka Goobta oo ay ka dagaalamayeen Ciidamada amaanka iyo Kooxihii weerarka soo qaaday.

“Ciidamada ayaa hadda Xaqiijiyay Ammaanka, dhammaan wey toogteen Ragii ku jiray gudaha Maqaayadda ee Weerarka soo qaaday, Xaaladda Ammaankana wey xaqiijiyeen” ayuu yiri Taliyaha.