AKHRISO:- Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay Weerarkii Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho oo la shaaciyay

0

Hay’adaha Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay tirade dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay Weerarkii Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho.

Waxaa la Xaqiijiyay in 9 qof ay dhinteen oo 5 ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, 2 ay yihiin Ciidamada amaanka ee Dowladda, 2 kalena ay yihiin Ciidamadii Weerarkii soo qaaday.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan dhaawacyo fara badan oo soo gaaray dad shacab ahaa oo ku caweynaayay gudaha Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan soo gaaray dhamaan qeybaha kala duwan ee Maqaayada Banaadir Beach ee Muqdisho.

Sidoo kale Kooxaha gurmadka ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab Xooganaa oo ka kacay gudaha Maqaayada.