TOOS U DHAGEYSO:- Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ku dhawaaqay Arrin u qarsaneyd Kooxda Shabaab

0

Waxaa Magaalada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo gaaray Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland halkaasi oo la sheegay inay ukuur galayeen Xaalada Amni iyadoo maamul cusub Degmada loo sameeyey.

Isgaoo ka hadlayey Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan Magaalada Buula Xaawo Ee Gobolka Gedo ayuu si kulul uga hadlay dhaqamada aan wanaagsaneyn ee ciidanka Jubbaland mararka qaarkood Sameeyaan.

Waxa uu ku tilmaamay Wasiir Janan in Balad Xaawo ay hore Shabaabka ugu dileen Odayaal iyo Waxgarad qiimo lahaa balse ay taasi kasii dareen Ciidankii loo soo tababaray sugida Amniga Shacabka iyo Deegaanka oo Waraabe dadoow sida uu sheegay ku noqday Dadkii magaalada degganaa.

Wasiir C/rashiid Janan ayaa sheegay in Wasaarada Amniga Jubbaland ee madaxda u yahay ay wado Qorshe lagu Sugayo Amniga Magaalada Beled Xaawo islamarkaanka ay dhawaan qorshahaasi fulin doonaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-