Meydka General Samatar oo Maanta la keenayo Muqdisho

0

Waxaa ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya qaban qaabo ku aadan u diyaar Garowga Meydka Gen Maxamed Cali Samatar oo la filayo in Saacadaha soo socda Meydkiisa la soo gaarsiiyo Magaalada Muqdisho.

Allaha u Naxariistee Marxuun Gen Maxamed Cali Samatar ayaa dhawaan ku Geeriyooday Dalka Mareykanka,waxaana Aas Qaran loogu sameynayaa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Calanka Soomaaliya Hoos loo dhigi doono Mudo Saddex Cisho ah si loo muujiyo in Qaranka Soomaaliyeed uu ka baxay Shaqsi Magac weyn ku lahaa Dalka.

Ammaanka Magaalada ayaa Saaka la adkeeyay,waxaana Xiran Wadooyinka Qaar ee Magaalada,kuwaas oo aan loo ogoleyn in ay Adeegsadaan Gaadiidka.