Kulan loogu hadlaayay Maareynta Tahriibka Dhalinyarada Soomaalida oo Xafiiska Ra’isal Wasaaraha ka dhacay

0

kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan guddiga heerka Wasiir ee u xilsaaran maareeynta Siyaasadda Tahriibka ayaa lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaana ka soo qeyb galeen xubnihii ka tirsanaa guddiga heer Wasiir ee horey loogu xilsaarey maareynta siyaasadda ku aadan tahriibka.

Guddigan oo ka koobnaa Wasaarada Amniga Qaranka, Wasaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragalinta maalgashiga, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Maamulada kala duwan ee Federaalka, iyo Xafiiska Ergeyga Gaarka ee Xafiiska Ra’iisul Waasaaraha u qaabilsan Maareynta Xaquuqda Carruunta iyo Tahriibka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda ay muhiim u tahay in la maareeyo islamarkaana siyaasad cad laga qaato dhibaatooyinka ka dhasha tahriibka,waxuuna ka codsaday guddigan in si deg-deg ah ay u howl galiyan guddigii farsamada ahaa ee isna uu magacaabay isla maalinta la magacaabay guddiga heer Wasiir

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in sida kaliya ee loo yareyn karo khatarta tahriibka ay tahay in lala yimaado wada shaqeyn, siiba wakhtigan kala guurka ah, Sidoo kale in la wacyigeliyo dhallinyarada aaminsan in nolosha dibadda ka wanaagsan tahay midda dalkooda islamrkaana sare loo qaado tayada waxbarasho ee dalka iyo in loo abuuro shaqooyin u sahla in nolol wanaagsan ay ku noolaadaan.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaaraha oo soo xiray shirka ayaa faray Wasiirada in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u howl galiyaan guddiga farsamo ee Wasaarad walba ay ku leedahay ee loo xil saaray howshaan si xukuumadda ay uga hortagto dhalinyarada ku hamiyeeysa tahriibka.

cumar