Bandhiga Lamaanaha Jaceylka iyo Beerta Nabadda oo Warar aan jirin laga faafiyay

0

Waxaa Muqdisho marti u ah lamaanaha caanka ah ee loogu yeero “LAMMAANAHA JACEYLKA” Sheekh Axmed Jowhar iyo Hibo Cumar oo tallooyin ku saabsan jaceylka siiya dhalinyarada iyo lamaanayaasha.

Munaasabad balaaran ayaa lagu wadaa inay maanta ku qabtaan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana la dhameystay tikidho fara badan oo dadku xiiseynayan inay la kulmaan labadan qof ee cajiibka ah.

Waxaa la yaab leh in la faafiyay warar ku saabsan xaalad ammaan iyo qaraxyo lala beegsan doono beerta Nabadda berito, arrintaasoo ay fidinayaan dad shacab ah.

Munaasabadda hanuuninta jaceyl ee labadan lammaane ay doonayaan inay ka sameeyaan magaalada Muqdisho ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo dadka Soomaaliyeed ay arkaan.

Jaceyl