Dowladda Turkiga oo Madaafiicda culus ku garaacday fariisimo Daacish ku leeyihiin xuduuda Syria ay la wadaagaan

0

Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in ay biloowday hawlgal ay xaduudeeda uga sifeenayso kooxaha Daacish iyo Jabhadaha Kurdida ee ka dagaalama dalka ay jaarka yihiin ee Siiriya.

Militariga Turkiga ayaa bilaabay inay madaafiicdooda culus ku garaacaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish iyo Jabhada Kurdida Siiriya ee loo yaqaan YPG.

Turkiga ayaa ku eedeeyey qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalooyinka koonfureed ee dalkaasi inay ka danbeeyeen kooxdaasi ISIS iyo waliba Jabhada Kurdida PKK oo la sheego inay gabaad ka helayso kooxda YPG ee kurdida Siiriya oo iyagu dhawaan gacanta ku dhigay dhul baaxadleh Waqooyiga Siiriya gaar ahaan dhulka saaran xaduuda Turkiga.

Daacisha ayaa lagu eedeeyey inay geysatay qaraxii Sabtidii lasoo dhaafay lagu qaaday magaalo ku taal koonfurta Turkiga oo ay ku badan yihiin Kurdida, waxaana lagu beegay goob ay ka dhaceysay xaflad aroos oo ay ku dhinteen in ka badan 15 qof oo ay ku jiraan caruur.

Waxaa kasii horeeyey saddex qarax oo waaweyn oo todobaadkii tagay lala beegsaday sadex magaalo oo ku yaal koonfur Bari wadanka Turkiga, qaraxyadaasi oo ay dowlada Turkiga ku eedaysay kooxda Kurdida ee PKK.

Dowladda Turkiga waxa ay si adag ugu hanjabtay inay laynayso Daacish iyo Jabhada PKK, waxaana intaasi ay raacisay in ciidamadooda aysan joojin doonin howlgalada ilaa Natiijooyin wanaagsan laga keeno.