TOP NEWS:- Afhayeenka gobolka Banaadir oo isku soo sharaxay Xil Muhiim ah iyo Olole ka bilowday Muqdisho

0

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa si cad u sheegay inuu haatan doonayo  inuu ka mid noqdo Xubnaha Cusub Ee Aqalka Sare.

Agaasimihii Hore Ee Warfaafinta Gobolka Banaadir markii dambena u dalacay Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa waxa lasoo wariyey inuu xildhibaanimo isku soo sharaxay.

Ku darso oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xalane waa isku heyb taasi oo Albaab walbo uu garaaco la leeyahay Madaxweynaha ayaa usahlaya inuu ufurmo.

Xildhibaano badan ayaa la sheegay inay booska weyn doonaan halka kuwo kalena soo noqon doonaan marka la gaaro labo bil kadib oo baarlmaanka hadda Jira shaqadiisu idlaaneyso.

Siyaasiyiin hore Xilal usoo qabtay iyo qaar hadda xilal haya ayaa isku garbinaya Jagooyinka qaar oo ah kuwo la isku dagaali karo sida loo maleenayo maadama kala macaash fiican yihiin mushaarka Jagooyinka qaar.

Xalane