Meydad laga soo saaray dhismooyinkii ku burburay qaraxyadii Magaalada Gaalkacyo

0

Meydad iyo dhaawacyo, ayaa waxaa laga soo saaray dhismooyinkii ku burburay qaraxyadii waawaynaa, ee shalay gilgilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhibanayaasha, ayaa waxaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo, oo Maamulka Puntland uu ka arrimiyo, iyadoo daryeel caafimaad loo fidiyay dhaawacyada.

Shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay xaqiijiyeen in dhimashadu gaartay soddon qof, iyadoo dhaawacuna yahay lixdan kale.

Tani waxay kordhinaysaa khasaaraha dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi, xilli markii hore laga warqabay dhimashada labaatan ruux iyo dhaawaca afartan kale.

Qaraxyadan oo daqiiqado yar uun ay u dhaxeeyeen, ayaa waxaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo midka hore uu ahaa gaari nooca xamuulka ah, waxaana uu sameeyay sawaxan culus oo laga wada maqlay qaybaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo.

Marka laga soo taggo khasaaraha nafeed ee uu sababay weerarkaasi, ayaa waxaa dhinaca kale jira burbur ballaaran oo ka soo gaaray Xarunta Dowladda Hoose, dhismayaasha Suuqa Xero Dayax iyo guryo shacab, oo ka durugsan goobta la weeraray.

Suxufiyiinta Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo sheegaaya in ay xirmeen goobihii ganacsi ee ku dhowaa Xero Dayax. Is bedel dhinaca muuqaalka ayaa laga dareemayaa dhismooyinka ay saameeyeen qaraxyadaqaasi.

Qaraxyadu waxay sidoo kale saamayn ku yeesheen bulshada deegaanka, waxaana xalay uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii bulshada, iyadoo ay inta badan xirnaayeen goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Ciidamada Puntland oo xalay hawlgalo ka sameeyay xaafadaha ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa waxay ku xaqiijinayeen ammaanka.

Madaxda Dowladda Somaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood iyo Qaramada Midoobe, ayaa si xoogan u wada cambaareeyay weerarkaasi.

Al Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka khasaaraha badan sababay.

Maanta, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Gaalkacyo aas loogu sameeyay dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, oo isugu jira askar iyo rayidba.