Madaxweynaha Soomaaliya oo War ka soo saaray amaanka guud ee Dalka Xilli doorashada ay soo dhawaatay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Al-shabaab ay guul darooyin culus ku habsadeen sidaasi awgeed ay doonayaan inay gumaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe Shabaab dalka looga saarayo, isagoo intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay garab siiyaan ciidanka xoogga.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.