DHAGEYSO:- Kulan loogu soo horjeeday Siyaasada Madaxweynaha iyo Kooxdiisa oo ka dhacay Muqdisho

0

Kulankaan ay Maanta ku yeesheen Muqdisho Siyaasiyiin, Waxgarad, iyo Nabadoono ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu baaqay in ay cadeyso maqaamka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Siyaasiyiinta, Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa ka horjeestay Magacaabista Guddiga ay Madaxda Dowladda u saareen maqaamka Muqdisho.

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ayaa waxa ay ka soo horjeesteen dhismaha aqalka sare oo ay sheegeen in aysan iminka Soomaaliya u baahneyn aqalka sare.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa laga soo saaray War Saxaafadeed ka koobnaa 3 Bog oo ay ku cadeynayaan sida ay ugu xun yihiin in weli aysan dowladda cadeyn maqaamka Muqdisho iyo sidoo kale sida ay Dowladda aysan xaqii ay lahaayeen u siinin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-