DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo hal Arrin ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Soona duubay Fariin Cajiib ah

0

Madaxweynaha maamulka jubbaland axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay Sshabaab in Hal meel looga soo wada jeesto, si looga guuleysto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaado talaabo cad oo loogaga hortagayo ururka Al-shabaab, wuxuuna intaa ku daray in gaba gabo uu yahay waqtigii Shabaab.

Wuxuu sheegay Soomaaliya in laga doonayo in ay iska dhigto Siyaasada badan ee ay mashquulka ku tahay oo waqtiga dheer ay gelinayaan, isagoo intaa ku daray in Madaxda Soomaaliya looga baahan yahay in ay mideeyaan caqlidooga, cududooda iyo maskaxdooda si looga hortago weerarada Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka hadlayay weerar Qaraxyada ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-