DHAGEYSO:- Axmed Cali Daahir oo sheegay in si adag loola Xisaabtamayo Ganacsatada Soomaaliyeed

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecooyinka kala duwan Dekeda Muqdisho ugu soo degto.

Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin alaab dhacday la keeno dalka iyo sidoo kale alaab aan Tayadooda wanaagsaneyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Hay’adaha Dowladda ay koontorooli doonaan waxyaabaha laga so dajiyo Dekeda Muqdisho isla markaana cidii keentaa wax dhacay sharciga la waafajin doono.

Shalay ayay ahayd Markii Dekeda Muqdisho lagu soo Bandhigay Daawooyiin la sheegay iney dhaceen kuwaasi oo la doonaayay in la geeyo Xarumaha Caafimaad ee Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-