DHAGEYSO: Amaanka magaalada Beydhabo oo aad loo adkeeyay iyo Ergooyin ku qul quleysa

0

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Beydhabo ee gobolka Baay, waxaana shalay ilaa iyo maanta magaaladaas ku sii qul qulaya Ergooyinka ka qeyb gali lahaa xubno soo xulista Baarlamaanka cusb iyo Doorashooyinka la filayo in ay magaalada Beydhabo ka dhacaan.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ergooyinkaasi ay si weyn u soo gaarayaan magaalada, isagoo intaa ku daray in laga shiray sugida amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in shacabka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay caawiyaan ciidanka amniga si looga hortago weerarada Shabaab mararka qaar ay ka geystaan deegaanada Koonfur Galbeed,

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa iska kaashanaya sugida amniga guud ee magaalada Beydhabo.