DAAWO SAWIRADA:- Wiil 12 jir ah iskuna qarxin lahaa Kirkuuk oo ay xireen Booliska Dalka Ciraaq

0

Booliska Magaalada Kirkuuk ee dalka Ciraaq ayaa gacanta ku dhigay wiil 12 jir ah oo lagu soo xiray Suun ay ku xiranyihiin walxaha qarxa.

Wiilkan oo xirnaa Fanaanadda Kooxda Barcelona Nambarka 10aad ee uu qaato Lionel Messi,ayaa waxaa lagu qabtay magaaladaasi xilli sida warbaahinta Ciraaq sheegtay in qasab loogu xiray suunka.

Ciidanka ayaa ku guuleystay in ay walxaha qarxa ka furan wiilka da’da yar,waxaana ay ka fureen isaga oo aan khasaare geysan.

Wiilka da’da yar ayaa la geeyay Xabsi Boolisku ku leeyihiin Kirkuuk ee Waqooyiga Baqdaad,halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Dhacdadan waxaa ay timid wax ka yar 24 Saac kadib markii shalay Wiil da’yar uu isku qarxiyay goob ay ka soctay Xaflad Aroos Dalka Turkiga,halkaas oo ay ku dhinteen 51 Qof 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3