DAAWO SAWIRADA:-Gaadiid ku burburay madaafiicdii Shalay ku soo dhacday Muqdisho

0

Madaafiicdii gelinkii dambe ee Shalay lagu garaacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhaawaca saddex ruux oo rayid ah, burburka laba gaari iyo afar neef oo ari ah, oo sida la sheegay ku waxyeeloobay madaafiicdaasi.

Madaafiicdan oo u muuqday kuwo laga dhex tuuray Magaalada Muqdisho gudaheeda, ayaa dareen baqdin leh ku abuuray shacabka deegaanka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in saddex ruux oo shacab ihi ku dhaawacantay madaafiicdaasi.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka laba gaari iyo waxyeelo madaafiicdaasi ka soo gaartay afar neef oo ari ah.

C/fitaax Cumar Xalane, ayaa mintidiinta Al Shabaab ku eedeeyay in ay madaafiic ku waxyeelanayaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ficilka noocaasina uu ku sheegay itaal darida iyo damiir la’aanta haysata mintidiinta.

Xalane, ayaa intaa ku daray in ay ka xun yihiin waxyeelada saddexda ruux ka soo gaartay madaafiicdaasi, waxaana uu Alle uga baryay in caafimaad deg deg ihi uu siiyo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Xamar1-3 Xamar2-3 Xamar-3 Xamar3-3 Xamar4-2 Xamar5-2 Xamar6-2 Xamar7-1 Xamar8-2