Ciraq oo lagu daldalay 36 ruux oo lagu helay dambiyo ah inay ka dambeeyeen xasuuq

0

Dalka Ciraq ayaa lagu daldalay 36 ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka ciidamo Ciraaqiyiin ah oo tiradooda gaareysa 1,700 kuwaasoo lagu diley xero lagu tababaro ciidamada ee magaalada Tikrit sanadkii 2014.

Weerarkan lagu xasuuqay askartan ayaa waxaa ka dambeeyay dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish kuwaasoo qabsaday deegaano ballaaran oo ku yaal Waqooyiga dalka Ciraaq.

Carro ka dhalatay xasuuqan oo ciidamada lagu diley ay badankood ahaayeen Shiico ayaa sababtay in dagaalyahano badan oo Shiico ay bilaabaan ina la dagaalamaan ururka Daacish ama IS.

Ururka IS ayaa baahiyay sawiro iyo muuqaalo video ah kuwaasoo laga soo duubay xasuuqa dhacay 2014, xabaalo wadareedka ayaa la helay sanad kadib markii ay ciidamada Ciraaq dib u qabsadeen deegaano ka mid ah Waqoyiga Ciraq.

“Daldalida 36 ruux oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii Speicher ayaa la fuliyay saaka iyadoo daldalaadana ay ka dhacday xabsiga Nasiriyah,”ayuu yiri afhayeen u hadlay xafiiska guddoomiyaha Dhiqar ee caasimada gobolka Nasiriyah isagoo la hadlayay wakaalada wararka ee AFP.

Afhayeenka ayaa sheegay in wasiirka cadaalada Haidar al-Zamili ayaa goobjoog ka ahaa daldalaada lagu fuliyay 36ka ruux.

Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa sheegay kadib weerarkii qaraxyada ah ee ka dhacay Baqdad ayna ku dhinteen illaa iyo 300 oo ruux inuu doonayo inuu dardargeliyo fulinta xukunada dadka lagu eedeeyay inay ahaayeen argagaxiso.

Dhammaan dadka la daldalay ayaa la sheegay in ay ahaayeen muwaadiniin Ciraaqiyiin ah, waxayna xukunta maxkamad bishii February.