DHAGEYSO:- Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ” Dib u heshiisiinteena Kaamil ma ahan, Waa in Madaxda Dowladda ay isbedel la yimaadaan”..

0

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay bilaabaan Barnaamijyo dib u heshiisiin ah.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay dib u heshiissiin Kaamil ah iney ka hanaqaado Dalka.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaan C/llaahi Sheekh in Madaxda Dowladda ee hada shaqeysa sidoo kale loogu baahan yahay in bilaha doorashada ka dhiman ay dalka ka dhaqan geliyaan dib u heshiisiin.

Waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib u heshiisiin kaamil ah maadaama muddo dagaal ay dalka ka dhacaayeen.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Soomaaliya ayaa qaba aragtida ah in dib u heshiisiin kaamil ah laga dhaqan geliyo dalka iyo sidoo kale in la sameeyo Barnaamijyo lagu mideynayo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-