Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Labo qarax oo xooggan ayaa lagu weeraray suuqa Dayax iyo xarunta dowladda hoose ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay ilaa hada waxaa ku dhintay Qaraxyada ka dhacay Gaalkacyo ku dhawaad 10 qof sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Qaraxyada oo kala dambeeyay daqiiqado yar ayaa waxaa la sheegaya in loo adeegsaday gawaari sida ay sheegeen dadkii ku sugnaa suuqa Dayax iyo sidoo kale xarunta dowladda Hoose oo ay Qaraxyado ka dhaceen.

Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramaya  in ay shir ku lahaayeen xarunta dowladda Hoose markii ay Qaraxyadu dhacaayeen.

Ciidamada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa dadka ku kala ceyrinaya rasaas xoogan oo ay ridayaan, taasi oo qal qal hor leh ku abuurtay Bulshada.