Shirweynaha Beelaha Celi oo ka dhacaya Dalsan iyo Qurbajoog iyo Siyaasiyin caan ah oo ka qayb galaya.

0

Shirar kala duwan oo mudoyinkii la soo dhaafay Beelaha Celi uga socday gudaha iyo dibadaba ayaa waxaa lagu go,amiyay Xiliga iyo gobtaii lagu qaban laha Shirweynaha Beelaha Celi ee 2016.

Saladiinta beesha ,Siyaasiyiin, Aqonyahano, haween, iyo qurbajog mudo wada tashanayay ayaa waxay isla qateen in shirkaani uu ka dhaco Dagmada Dalsan ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shirkaan oo ah shir ay beesha uga tashanayso ayaheeda Siyaasadeed ee xiliga kala gurka ah iyo go,aanki ay ka qadan lahayeen Maamulka Galmudug oo ay beeshu la dhacsanayn hanankiisa awood qaybsi ayaa waxaa ka soo qayb galaya Saladiinta beesha ,Siyaasiyiin, Aqonyahano, haween, iyo qurbajog misan ku dhex leh beelaha Celi.

Shirkaan ayaa waxaa uu socon doona Mudo usbuc ah ayado ka soo qayb galeyaasha shirkaani ay ka kala iman doonan Wadamada Itobiya,Maraykanka,Yurup, Kenya iyo iyo gudaha Somalia gaar ahaan Magaloyinka Cabudwaaq ,Muqdisho,Kismaayo iyo Garoowe.

Siyaasiyinta Shirkaani ka soo qayb galidoona waxaa ka mid ah.
Xildhiban Cabdilahi Yusuf Cali= Xildhiban DF ugu jira Besha Celi ahna Musharax Xildhibaan DF ee beesha Celi.

Sh Maxamed Aw-libaax = Wasiir Jubbaland ka tirsan

Cali Dahir Ciid = Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug

Cabdisalam Ibrahim = Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug

Dr Caydiid Farax Qashiin = Xildhibaan ka tirsan Galmudug

Nadiif Gafaaa = Xildhiban ka tirsan Maamulka Galmudug

Cali Badal = Musharax u tagan Xildhibanka Beesha Celi ee DF

Abdiweli Ibrahim Garyare= Musharax u tagan Xildhibanka Besha Celi ee DF.

Adam Holal = Musharax u tagan Xildhibanka Beesha Celi ee DF

Siyaasiyiinta Maxamed Shuuke Macalin ,Mahad Khaliif Roble iyo Shakiib hoohar iyo Xubno kale ayaa ka mid ah Siyaasiyinta so xaadiri doonta kulankaasi.

Halka dhanka Aqonyahanada iyo Qurbajoogtana ay shirkaani ka soo qayb gali doonan Masuliyin ka tirsan Hay,adaha Qaramada Midobay iyo Hay,adaha Hormarinta ee Wadamada Danmark iyo Swisserland iyo xubno kale oo muhiim ah.

Waxa sido kale Shirkaani so xaadiri doona Masuliyiinta Beesha Celi u matasha Maamulka Gobolada dhexe waxana wafdigaasi hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobolada dhexe ee Somalia Xasan Gaboobe.

Dhanka kale waxaa shirkaaani Marti ku ah Masuliyiinta Beesha Celi u matasha Ismaamulka Somalida Itobiya ee DDSI oo ay horkacayaan Xubnaha Maamulka Dagmada Galaadi ugu jira Beesha iyo xubno kale.

—————————————–

Maxamed Cisman Jamac

Cabudwaaq-Somalia