Faahfaahin Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo xoogan oo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Waqooyi.

Labo Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray dhismaha dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale Xerada Dayax oo ah goob aad u mashquul badan.

Inta la xaqiijiyay ilaa hada waxaa ku dhintay Qaraxyada ka dhacay Gaalkacyo ku dhawaad 10 qof sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramaya  in ay shir ku lahaayeen xarunta dowladda Hoose markii ay Qaraxyadu dhacaayeen.

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ama Puntland oo ku dhintay ilaa iyo hada lama sheekin , inkastoo gurmad xoogan oo lagu daad gureynaayo dhaawacyada uu ka socda magaalada Gaalkacyo .

Maamulka Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in la soo gaarsiiyeen dad aad u farabadan.

Ma’suulinyiin ka tirsan wasaarada Waxbarashada maamulka Puntland ayaa lagu waramaya in ay saacado ka hor in ay kormeereen xerada Dayax.

Ciidamada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa dadka ku kala ceyrinaya rasaas xoogan oo ay ridayaan, taasi oo qal qal hor leh ku abuurtay Bulshada.