DHAGEYSO:- Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo ka Jawaabay Eedeymo loo jeediyay, kana hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dabagal ku sameysay Mashaariicda hay’adaha caalamiga ah ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada qorshaynta xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay la timid waxqabad ku aadan in dabagal lagu sameeyo hay’adaha mashaariicda ka fulinaaya Soomaaliya .

Wasiirk Ceynte ayaa sheegay in Mashaariic aysan ogeyn dowladda Soomaaliya inaan laga fulin karin gobolada dalka iyo sidoo kale caasimada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay hubiso in mashaariicda hay’adaha caalamiga ah in  loo fuliyay sidii loogu tala galay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-