DHAGEYSO WAREYSI:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Madaafiicda lagu garaacay Xarunta Wasaarada Gaadiidka

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Tiro Madaafiic ah oo lagu soo tuuray xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala agagaarka xarunta degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Inta la ogyahay 4 Qof ayaa ku dhaawacantay Madaafiicda lagu soo tuuray xarunta, halka sidoo kalena ay ku gubteen 2 Gaari oo xarunta Wasaarada dhexyaalay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiicda ay ahaayeen dhowr xabo oo ilaa iyo hada aan la garaneyn halka laga soo tuuray.

Waxay sidoo kale sheegeen in Madaafiicda qaar ay ku soo dhaceen xaafadaha degmada Shangaani oo u dhow Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka Madaafiicda ah ee lagu soo tuuray xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala agagaarka xarunta degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-