DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo ka hadlay isbedelada maamulka gobolka Gedo iyo Qorshayaal kale

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Saydi Aadan oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu ka warbixiyay safarka mudada 30-ka cisho ah oo uu ku joogo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay ujeedka degmada Beledxaawo uu u joogo in ay tahay  sidii isbedel guud loogu sameyn lahaa maamulada degmooyinka gobolka Gedo.

Maxamuud Saydi Aadan Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in isbedelada hada ay wadaan ay meel wanaagsan marayo, si loo helo maamul tayo leh oo isbedel la imaan kara.

Dhawaan ayay aheyd markii isbedel lagu sameeyay maamulka degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana weli socda qorshaha isbedelada loogu sameynayo maamulada degmooyinka gobolka Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-