DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Banaadir oo isbedel ku sameeyay Gudoomiyeyaal degmo

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa isku badalay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeynleey Cumar Meyre Macoow ayaa Maanta xilka Degmada ku Wareejiyay C/fitaax Nuur Cali oo ahaa Gudoomiyaha Degmada Kaaraan.

Xaflada Xil Wareejinta waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Dharkeynleey Cumar Meyre Macoow oo Xaflada xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Maanta wareejiyo xilka degmada Dharkeynleey, waxa uuna ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay Mudadii uu xilka haayay.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada dharkeynleey C/fitaax Nuur Cali ayaa sheegay in shaqada degmada u halkeeda ka sii wadayo, waxa uuna shacabka degmada ka dalbaday in ay la shaqeeyaan.

Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Maamulka gobolka Banaadir ahna ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in ay sii socon doonaan isbedelka lagu sameynayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka.

Maalinta berito ah ayaa waxaa lagu wadaa in xilka degmada Kaaraan uu la Wareeego Gudoomiyiha Maanta xilka degmada Dharkeynleey Wareejiyay Cumar Meyre Macoow.

Hoos ka Dhageyso Codka:-