DHAGEYSO:- Kulan Xasaasu ah oo Muqdisho ka dhacay iyo Fariin adag oo loo diray Xasan Sheekh

0

Kulankaan ay Maanta Xarunta Jaaliyada Yamen ku yeesheen Nabadoonada,Waxgaradka, Xildhibaanada ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha Banaadiriga ayaa waxaa loogu hadlay sidii ay door muuqdo ugu yeelan lahaayeen doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan.

Waxaa sidoo kale loogu hadlay kulanka sidii loo mideyn lahaa aragtida beesha isla markaana ay ugu qeyb noqon lahaayeen Xubnaha Aqalka.

Nabadoonada iyo Waxgaradkii Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan in laga shaqeeyo Midnimada Beelaha Banaadiriga.

Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaahi ayaa sheegay in Madaxda Dowladda loogu baahan yahay in ay cadeeyaan kaalinta Beesha ay ku leedahay doorashada Dalka.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-