DHAGEYSO: Dagaal ka dhacay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay

0

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Goof- gaduud ee gobolka Bay sida ay idaacadda Risaala u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dagaalka ayaa la sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen ka dibna dagaal labada dhinac uu dhexmaray dagaal xoogan khasaare kala duwan geystay.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo ee iyo deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq ayaa sheegay in dagaalka dhankood ay uga dhinteen saddex askari, waxuuna sheegay in ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan weerarada ay ku qaadayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.