DHAGEYSO:- Baaq loo diray Dhalinyarada ku Jirta Al-Shabaab

0

Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay in dhalinyarada Shabaab ka soo goosata ee dowladda Soomaaliya ku soo biirta in si wanaagsan loola dhaqmi doono.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidin doonto dhalinyarada Shabaabka ka soo goosata, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaas ay shacabka ka mid noqon doonaan oo wax dhibaato ah aan loo geysan doonin.

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sidoo kale dhalinyarada Shabaab ku jirta ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladda si ay u helaan nolol ka duwan mida ay hada ku jiraan.

Hadalka Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa ku soo aadaya xilli shalay gobolka Bari lagu soo 3 Dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-