DHAGEYSO:- Amaanka Guud ee Dalka Kenya oo la adkeeyay ka dib markii hal Arrin lagu arkay

0

john kerry ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana wadooyinka waa weyn ee Nairobi lagu soo daadiyay ciidamo dheeraad ah kuwaas oo adkeynaya amaanka.

Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay aad u adkeeyeen amaanka dalka Kenya gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha, Hotelada waa weyn iyo goobo kale si looga horatago weeraro ka imaan kara Shabaab.

Xoghaya arimaha dibada dalka mareykanka John Kerry ayaa berri lagu wadaa inuu booqasho ku yimaado dalka kenya, waxaana uu madaxweynaha dalka kenya uu kala hadli doonaa arimaha Qaxootiga iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale john Kerry ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, waxaana uu kala hadli doonaa arimaha Dooraashooyinka Soomaaliya 2016-ka iyo amniga.

John Kerry ayaa dalka Kenya uga sii gudbi doona wadamada Nigeria iyo sidoo kale Sacuudi Carabiya halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaas.

Hoos ka Dhageyso Codka:-