DEGD DEG: Qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Qaraxyo xoogan laga maqlay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah dadka kunool magaalada Gaalkacyo ayaa Risaala u sheegeen in Qaraxyada ay ka dhaceen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Laba Qarax oo is xigtay ayaa ka dhacay Gaalkacyo sida ay sheegeen dadka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Qaraxyada ay ka dhaceen suuqa Dayax , halka wararka kale ay sheegayaan in Qaraxyada lagu weeraray xarumo ay ku shaqeeyaan maamulka Gobolka Mudug.