DAAWO SAWIRADA:-Dhacdo argagax badan oo xalay ka dhacday Dalka Turkiga

0

Dhacdadaan oo ah mid argagax badan, ayaa waxay xalay ka dhacday Magaalada Gaziantep, ka dib markii ismiidaamiye uu isu qarxiyay goob ay xaflad aroos ka socotay.

Ugu yaraan 30 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaasi bahalnimada ah, halka 90 kalana lagu dhaawacay. Dadka dhaawacmay qaarkood waxay xaaladoodu tahay mid garaab ah.

Weerarkan, ayaa dareen argagax iyo anfariirba leh ku abuuray dadkii ka qayb qaadanaayay xafladaasi. Dadkaasi ayaa qaarkood la arkaayay iyagoo ooynaaya.

Shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg degga oo ku baxay goobtaasi, ayaa ka daad gureeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi argagixiso, balse muddooyinkii ugu dambeysay waxaa dalkaasi weeraro ka gaysanaayay Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga (PKK) iyo Ururka Daacish.

Dhacdadaan, ayaa waxaa ay noqotay mid si wayn ay u hadalhayaan dadka Turkiga, iyadoo dadku su’aalo iska weydiinayaan baahida keeni karta in la gumaado dad ku damaashaadaayay xaflad aroos.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Gaziantep Gaziantep1 Gaziantep2 Gaziantep3 Gaziantep4

A man and a woman mourn next to a body of one the victims of a blast targeting a wedding ceremony in the southern Turkish city of Gaziantep, Turkey, August 20, 2016. Ihlas News Agency via REUTERS
A man and a woman mourn next to a body of one the victims of a blast targeting a wedding ceremony in the southern Turkish city of Gaziantep, Turkey, August 20, 2016. Ihlas News Agency via REUTERS

Gaziantep6 Gaziantep7

People gather after an explosion in Gaziantep, southeastern Turkey, early Sunday, Aug. 21, 2016. Gaziantep Province Gov. Ali Yerlikaya said the deadly blast, during a wedding near the border with Syria, was a terror attack. (Eyyup Burun/DHA via AP)e

Gaziantep9