DAAWO SAWIRADA:- Banaanbixii ugu weynaa oo ka dhacay Dalka Yamen

0

Isu soo bixii ugu ballaarnaa, ayaa maanta ka dhacay Magaalada Sanca ee Xarunta Wadanka Yemen, tan iyo markii ay awoodda dalkaasi shaaciyeen inay la wareegeen Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.

Bannaanbaxayaasha oo watay Calanka Jamhuuriyadda Yemen, ayaa waxay ku qaylinayeen ereyo ay ku cambaareynayaan isbahaysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudigu.

Dadka isugu soo baxay Magaalada Sanca, ayaa waxay sheegeen in ay qir iyo qar ka jooggaan isbahaysiga Carabta ee duqaymaha ka wada dalkaasi.

Bannaanbaxayaasha, ayaa taageero wayn u muujiyay Golaha Dowladda cusub, ee ay dhawaan askumeen Xuuthiyiintu, waxayna Sacuudigu ka dalbadeen in uu ka joojiyo duqaymaha uu horkacaayo.

Gudoomiyaha Golaha Dowladda cusub, Saleh Al-Samad oo la hadlaayay bannaanbaxayaasha, ayaa wuxuu Sacuudiga ku eedeeyay in uu dagaal kula jiro waxa ay doonayaan shacabka reer Yemen.

Dibadbaxayaasha, ayaa qaarkood bilaabay inay kala cararaan, xilli diyaaradaha isbahaysiga lagu arkay hawada goobtii uu bannaanbuxu ka socday. Diyaaradaha waxay gantaalo ku tuureen buuro ku dhow halkaasi.

Isbahaysiga Carabta, ayaa bilaabay inay duqaymo la beegsadaan goobaha ay dalkaasi kaga sugan yihiin Xuuthiyiinta, bishii March ee sanadkii hore, ka dib markii ay Xuuthiyiintu iclaamiyeen inay awoodda ka tuureen dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Abd Rabbuh Mansur Hadi. Qaramada Midoobe, ayaa taageersan Madaxweyne Hadi.

Qaramada Midoobe, ayaa waxay dhawaan sheegtay in duqaymaha lagu dilay lix kun iyo shan boqol oo ruux, halka ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo shacab ah.

Boqolkiiba sideetan dadka reer Yemen, ayaa u baahan gargaar deg deg ah, sida ay shaacisay Qaramada Midoobe

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Sanca1 Sanca-1 Sanca2 Sanca3 Sanca4 Sanca5 Sanca6 Sanca7 Sanca8 Sanca91 Sanca92