Al-Shabaab oo sheegtay Masuuliyada weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarkii 2-da Qarax ahaa ee maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo uu ka taliyo maamulka Puntland.

War qoraal ah oo Al-shabaab ay ku baahiyaan baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxyadii khasaaraha badan ka dhashay.

Inta la ogyahay 18 Ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxyada, waxaana isbitaalka guud ee Gaalkacyo la garsiiyay dhaawacyo ka badan 30 Ruux, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.

Labada Qarax ee ka dhacay suuqa Dayax iyo Xarunta Dowladda Hoose, waxaa lugu sheegay midkood in loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa waxa ay gaareen goobta ay ka dhaceen Qarxyada waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano.

Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin Qaraxyada maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.