WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Ku Xigeenki Hore Ee Soomaaliya Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar Oo Ku Geeriyooday Dalka Mareykanka.

0

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun waxaa goordhawayd ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka Allaha U Naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenki Hore Ee Soomaaliya Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar.

Allaha u naxariistee  Madaxweyne Ku Xigeenki Hore Ee Soomaaliya Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo da’diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida uu BBC-da u xaqiijiyey mid kamid ah qaraabada marxuumka.

Allaha u naxariistee S/G  Maxamed Cali Samatar ayaa ka mid ahaa shantii Golaha sare ee kacaankii, sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu darajada sareeyay ee Ciidanka qalabka sida Soomaaliya, xilligii dowladdii dhexe.

 

Waxii Kasoo Kordha Geerida Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar Kala Soco Allgalgaduud Media