Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka Tacsiyeeyey geerida Marxuum Maxamed Cali Samatar

0

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid sareeye guud Maxamed Cali Samatar oo maanta ku geeriyoodey isbitaal kuyaala gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tacsi udiray dhamaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxey marxuumku.

Sareeye guud Maxamed Cali Samatar wuxuu kaalin weyney kasoo qaatey Dhismihii ciidamada xooga dalka soomaaliyeed asaga oo ka gaaray darajada ugu sareysa ee sareeye guud , sidookale wuxuu xilalka Madaxweyne kuxigeen , Raisalwasaare iyo wasiirka gaashaandhiga kasoo noqday Dowladdii dhexe ee Soomaliya.

wuxuu ku dhintey da’da 85 sano allaha naxariistii .