Ku dhawaad 60 Soomaali ah oo laga sii daayay Xabsiyada Dalka Masar

0

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa laga sii daayay 120 ruux oo Somali, Itoobiya, Sudanes iyo Eretria, isugu jiray, kuwaasi oo doonaayay inay ka tahriibaan dalka Masar, xilligii ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigayeen.

Dadkaan ayaa in muddo ah waxa ay ku xirnaayeen Xabsiyada dalka Masar, balse shalay ayaa suuragashay in la sii daayo.

56 ruux oo ka mid ah dadka la sii daayay waxa ay u dhasheen dalka Somaliya, waxaana ay isugu jiran Haween iyo Rag, u badan dhallinyaro tahriib doon ah.

Nayruus ayaa sheegtay sii deysmadooda inay ka dambeysay, kadib markii Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ay ku damiinatay kaarar Aqoonsi Qaxootinimo ah oo ay haysteen dadkaasi.

Dhinaca kale Dowladda Masar ayaa dalkeeda inay ka masaafuriso waxa ay ku xukuntay 6 ruux oo Somali ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si sharcidaro ah ku joogeen dalka Masar.

Dadkaan ayaa isku diyaarinayaa sidii ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeen, xilli qarashaadka ay ku noqonayaan ay yihiin kuwa jeebkooda ka baxaya.

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa ku xiran dad badan oo Somali ah, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay qabteen, xilli ay isku dayayeen inay ka tahriibaan dalkaasi.