DHAGEYSO WAREYSI:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan Xasaasi ah ku yeelanaya Xarunta golaha Shacabka

0

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Hab dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maanta uu hor-yaallo ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay  in kulanka Baarlamaanka looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista  Dastuurka, ansixinta qaraarka baarlamaanka tobnaad, iyo gudoomiyeyaasha baarlamaanka oo warbxin soo jeedin doona.

Kulanka ay maanta yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad kadib fasax dheer oo ay galeen Bilowgii Bishii Ramadan markaas oo fasax la siiyay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-