DHAGEYSO TOP NEWS:- Tirada Xildhibaanadii la dilay Afartii sano ee ugu dambeysay oo la soo Bandhigay, Xildhibaano Caan ah oo Liiska ka dhex Muuqday

0

Waxaa Maanta Xarunta golaha Shacabka oo ah Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Baarelamaanka Soomaaliya lagu soo bandhigay tirade Xildhibaanadii la dilay mudadii 4 sano ahayd oo ay jireen Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya maadaama Afar sano ka hor Maanta oo kale la dhaariyay sanadkii 2012.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in mudadii Afarta sano ahayd la dilay 18 Xildhibaan kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loogu dilay Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 7 Xildhibaan ay Xaalado Caafimaad iyo xaalado kale u dhinteen.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay 14 Xildhibaan ay siyaabooyin kala duwan ugu dhaawacmeen dalka mudadii Afarta sano ahayd.

Hoos ka Dhageyso Codka Jawaari oo tiranaya Magacyada:-