DHAGEYSO: Maxkamad ku taalla Masar oo Soomaali xukun ku riday

0

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun ku riday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu qabtay  dalkaasi ,iyaga oo doonaayay in ay halkaasi ka tahriibaan.

Dadka xukunka lagu riday ayaa tirooda lagu sheegay ku dhawaad 6 qof waxaana lagu xukumay in  dib loogu soo celiyo dalkooda.

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dhawaan xukun ku riday 10 qof oo Soomaaliyeed , kuwaa soo lagu xukumay in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Maxkamada ayaa sheegtay in dadkaasi Soomaaliyeed lagu xukumay in loo soo tarxiilo dalkooda , islamarkaana waxaa lagu xukumay in ay iska bixiyaan dhaqaalaha ay dib ugu soo laabanayaan.

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa ku dhibaateysan Soomaali aad u farabadan ,kuwaa soo doonaayay in ay ka tahriibaan dalka Masar.