TOOS U DHAGEYSO+WAREYSI:- Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay qaadayaan Guluf Colaadeed oo ka dhan ah Shabaab

0

Guddomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Isaaq Cabdi Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay hada soo wajahday xaalada dhanka nolosha ah, isagoo intaa ku daray in dadkaasi aysan heysan Hooy, Biyo, Caafimaad Waxbarasho iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale Guddomiyaha degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in hada ay diyaarinayaan Guluf colaadeed oo ku aadan sidii Al-shabaab weerar loogu qaadi lahaa, degmadana Go’doonka looga saari lahaa.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Qansax-dheere ayaa Maamulka Koonfur Galbeeed, dowladda federaalka iyo Hay’adaha gar gaarka ka dalbaday in ay gar gaar soo gaarsiiyaan.

Dadka ku nool degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa ku sugan xaalad khatar ah, taasi oo looga baahan yahay dhamaan Soomaalida in ay u gurmadaan sidii dadkaas loo gacan siin lahaa.